Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa shir gudoomiyey kulanka amniga ee Dalka.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed uu wehelinayo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Mudane Rooble Muuse Cabdi ayaa shir gudoomiyey kulan muhiim ah oo ku saabsan adkaynta amniga gudaha iyo guud ahaan amniga guud ee Dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulankan waxaa ka soo qaybgalay Taliyayaasha kala duwan ee ciidamada qalabka sida qaybohooda kala duwan, iyadoo mudadii uu socdey shirku lagu Lafa-guray nuhiimadda ay Qaranka iyo shacab ahaanba u leedahay adkaynta amniga iyo in la sameeyo feejignaan dheeraad ah.

Dhinaca kale waxaa shacabka Jamhuuriyadda Somaliland lala socodsiinayaa in ay gacan ku siiyaan laamaha amniga adkaynta iyo xoojinta amniga,iyagoo gacan buuxda siinaya Hay’adda qaabilsan amniga kalana shaqaynaya nabadgelyada, iyadoo shacabka Jamhuuriyadda Somaliland looga bartay ka shaqaynta nabada iyo gacan siinta Ciidamadooda nabadgelyada.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker