Sedex qof oo isku qoys ah oo labo kamid ah ay ku dhinteen, mid kalena uu ku dhaawacmay hoobiyayaal Al-Shabaab ku weerarreen magaalada Cammaara ee Gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya magaalada Cammaara ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in dhawr iyo toban madfac xalay saqdii dhexe lagu weerarray, kuwaas oo dhaliyay khasaare nafeed iyo kuwa hantiyeedba.

Dhacdada ugu argagaxa badan ayaa qabsatay qoys iyagoo jiifa uu ku habsaday madfac, waxana halkaas ku dhintay aabaha iyo hooyada qoyska, waxana ku dhaawacmay wiil ay dhaleen sida ay BBC-da u sheegeen ehellada qoyskaasi.

Lama soo sheegin dhimasho ama dhaawac kale oo ay geysteen hoobiyayaasha ku dhacay Cammaara.

Saraakiisha ciidamada iyo dadka deegaanka ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab in ay soo tuureen madaafiicda ku dhacday Cammaara.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker