Rabshado kajira dal Galbeedka Afrika ku yaalla

Mudaaharaadyo rabshado wata oo ka dhacay dalka Senegal oo looga soo horjeedo dib u dhigista doorashada madaxtinimo ayaa ku fiday guud ahaan dalka, iyadoo la soo sheegayo dhimashadii ugu horeysay la soo tabiyay.

Arday ayaa ku dhintay iska horimaad uu la galay booliska Jimcihii magaalada waqooyiga ku taal ee Saint-Louis, hogaamiyaha mucaaradka iyo ilo isbitaal maxalli ah ayaa sheegay.

Magaalada caasimadda ah ee Dakar, ciidamada ammaanka ayaa ku tuuray sunta dadka ka ilmeysiisa iyo bambooyinka gacanta laga tuuro si ay dadka u kala eryaan.

Doorashada 25-ka Febraayo dhici lahyd ayaa todobaadkii hore ay mudanayaashu dib u dhigeen illaa 15-ka December.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker