Qaraxyo mataano ah oo ka dhacay Balochistan iyo dad badan oo ku dhintay

Qaraxyo mataano ah ayaa dilay ugu yaraan 20 qof gudaha dalka Pakistan gaar ahaan gobolka Balochistan xilli ay fooda ku hayso dalkaas doorashadii guud.

Qarax koobaad ayaa 12 qof ku dilay illinka xafiiska xisbiga musharraxa xisbiga xuriyadda oo ku yaalla degmada Pishin.

Qarax labaad ayaa isna waxaa ku dhintay sideed qof isaga oo ka dhacay degmada Qillah Ullah. Dad badan ayaa la sheegay inay ku dhawaacmeen labada qarax.

Doorashada dalkaas ayaa waxaa hareeyay qalalaaso iyo kala sheegasho taageero.

Qaraxyada ayaan ilaa iyo hadda jirin cid sheegatay masuuliyadooda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker