Itoobiya oo sheegtay in ay gacanta ku dhigtay shidaal ka yimid Soomaaliya

Ciidamada Difaaca dalka Itoobiya ayaa qoraal ay soo dhigeen boggeeda Facebook waxay ku sheegeen in ay qabteen 30 fuusto oo shidaal ah oo laga keenay Soomaaliya.

Waxay sheegeen in ay ku qabteen shidaalkaan aagga gobolka Afdheer ee Dawlad Deegaanka Soomaalida, waxayna sheegeen in shidaalka laga keenay dhinaca Jubbaland, Soomaaliya.

Sida ay sheegeen ciidanku gaari siday shidaalka ayaa 49 kiilo mitir u jiray halka uu doonayay in uu geeyo shidaalka, “Balse waxaa gacanta ku dhigay ciidamo hawlgal ku jiray”.

Taliye xigeenka ciidanka hawlgalkaan ku jiray ayaa sheegay “in shidaalkaan uu sabab u noqon karo sicir bararka ka jira gudaha Itoobiya”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker