Golayaasha Guurtida iyo Wakiilada oo Heshiis Gaadhay

Waxaa maanta heshiis laga gaadhey qodobadii khilaafku ka taagna ee xeerka Doorashooyinka .
Guddiyadii labada gole Baarlamaan u saareen arintan ayaa ku heshiiyey in qodobo loo daayo sidii Guurtidu ku ansixisay , qodobona loo daayo sidii golaha wakiiladu ku ansixiyeen .
Todobaadka soo socda ayaa heshiiskan la hor geyn doona Golaha Guurtida iyo Golaha wakiilada si ay xildhibaanadu u ansixiyaan .
Isla todobaadka danbe ayaa la filayaa in Golaha wakiiladu xeerkan u gudbiyo Madaxweyne Muuse Biixi .
Waxaana ay arintani u muuqataa in uu sidaas ku dhamaadey khilaafkii ka dhex jiray labada gole Baarlamaan ee xeerka Doorashooyinka ku saabsanaa

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker