Mareykanka oo weerarro kadhan ah Xuutiyiinta ka fuliyay Yemen

Mareykanka ayaa Axaddii shalay fuliyay duqeyn kale oo ka dhan ah, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay taliska dhexe ee Mareykanka ee Centcom.

Centcom waxa ay sheegtay in ciidamada Maraykanku ay ku garaaceen gantaalaha dhulka laga tuuro.

Falkii ugu dambeeyay ayaa imaanaya maalin kadib markii ay si wadajir ah Mareykanka iyo UK u duqeeyeen bartilmaameedyada Xuutiyiinta.

Waxay daba socotaa weerarrada joogtada ah ee kooxda ay Iran taageerto ay ku qaadayso maraakiibta militariga iyo kuwa ganacsiga ee ku sugan badda cas.

Weerarada Xuutiyiinta ayaa ku qasbay shirkadaha waaweyn ee maraakiibta inay ka fogaadaan marin biyoodka, taasoo saameyn ku yeelatay ganacsiga caalamiga ah.

Masar ayaa sheegtay in dakhliga ka soo gala kanaalka Suweys uu hoos u dhacay ku dhawaad kala bar bishii Janaayo, iyadoo tirada maraakiibta mara halbowlaha ganacsiga muhiimka ah bishii hore ay hoos u dhaceen in ka badan saddex meelood meel.

Weerarkii Sabtidii sida wadajirka ah ay u fuliyeen Mareykanka iyo UK ayaa dadka deegaanka waxa ay BBC-da u sheegeen in uu ahaa mid xooggan oo ay dareemeen in dhulku la gariiray.

Saraakiisha Xuuthiyiinta ayaa wacad ku maray inay jawaab ka bixin doonaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker