Ciidanka Booliska Gobolka Saaxil oo Qabtay khamri Tiro Badan

Ciidamada Booliska JSL ee Magaalada Berbera ayaa hawlgal ay sameeyeen kusoo qabtay Khamri dhan 58 Xabo , waxaana saaka Maxkamadda Gobalka Saaxiil xukun ku riday dadkii khamrigaa waday oo ahaa Laba dumara magacyadooduna ay kala ahaayeen.

1- Caasha Cabdi Maxamed ina Canab Nuur 40jira waxa lagu xukumay 5 sano xadhiga.
2-Ruqiya Jaamac Axmed ina Xaawo Cali 55jir waxaa lagu xukumay 7 sano oo xadhig ah.

Waxaa sidoo kale Saaka la burburiyay dhammaan khamrigaasi oo dhamaa 58 Xabo.

Taliska Ciidanka Booliska JSL wax uu digniin u dirayaa dadka caadaystay ka ganacsiga Maandooriyayaasha Khamriga iyo Xashiishada.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker