Nin Xaaskiisa Hargeysa ku Dilay oo La Qabtay

Ciidamada Booliska JSL ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysane Jamaal Daaha Cabdiraxmaan ina Sarco Axmed 54jir oo ku eedaysan inuu Xalay Abbaaro 10:30kii Habeenimo ku dilay Xaafadda Shacabka ee Magaalada Hargaysa Marxuumad Sumaya Siciid Naasir oo ahayd Xaaskiisii waxaanu uu ku dilay Mindi ( Soodh)

Dedaal dheer iyo hawlgallo ay sameeyeen Ciidanka Boolisku ayay kusoo qabteen Eedaysanahii , waxaana hadda ku jiraa gacanta Ciidanka. Eedaysanaha iyo marxuumaduba waxay kasoo jeedaan dalka Yemen , waxaana kiiskaasi baadhidiisa gacanta ku haya Hoggaanka Baadhista Dambiyada (C.I.D).

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker