Faahfaahin dheerada oo ka soo baxaysa duqeyn xagga cirka ah oo lala beegsaday garaash ku yaala Buq-Aqable

Weerar xagga cirka ah oo ay qaaday diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ayaa shalay galinkii dambe lala beegsaday garaash ku yaala magaalada Buq-Aqable oo qiyaastii 90 km Koonfur Galbeed ka xigta magaala madaxda Gobolka Hiiraan ee Beledweyne.

Barta X ee Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ayaa lagu faafiyay warka weerarka Buq-Aqable, waxana lagu sheegay in hawlgal ay iska kaashadeen Hay’adda NISA iyo Saaxiibbada Caalamka lagu burburiyay xarunta kaydka hubka iyo gaadiidka Al-Shabaab ee Buq-Aqable, waxana jira bay tiri khasaare soo gaaray cadowga, mase sheegin inta uu la egyahay khasaaruhu.

Dad ku sugan Buq-Aqable ayaa laga soo xigatay in la duqeeyay garaash ku yaala Buq-Aqable oo ay isticmaalaan ururka Al-Shabaab.

Ugu yaraan 3 qof ayaa lagu dilay duqeynta oo labo kamid ah ay ahaayeen Al-Shabaab, sida illo wareedyadaasi laga soo xigtay.

Faahfaahin intaa ka badan lagama hayo goobta duqeyntu ka dhacday maadaama aanay dadku u dhawaan karin sababbo la xiriira Al-Shabaab oo aan ogolayn in loo dhawaado.

Al-Shabaab dhankooda kama hadlin duqeynta ka dhacday Buq-Aqable, waase duqeyntii sedexaad oo lala beegsado xarumo Al-Shabaab ku lahaayeen Galhareeri oo ka tirsan Galgadiid iyo Buq-Aqable oo ka tirsan Hiiraan tan iyo markii uu dhacay dagaal kii khasaaraha badan dhaliyay Arbacadii la soo dhaafay ee kooxdu ku qaaday magaalada Caad ee gobolka Mudug.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker