Barlamaanka Soomaaliya oo sheegay in bisha soo socota la bilaabi doono doodda afarta cutub ee ugu horreysa Distoorka KMG ah

Shir ay yeesheen Guddiga Joogtada ah ee Aqalka Sare ayaa lagu go’aamiyay in 10 bisha soo aadan ee Febraayo la guda galo doodda afarta cutub ee ugu horreysa Distoorka KMG ah ee Soomaaliya.

Guddoonka Aqalka sare ayaa lagu wadaa in soo jeedintooda ku aadan in la bilaabo doodda cutubyada ugu horreeya Distoorka la wadaagaan Gudoonka Golaha Shacabka maadaama dooddaha Distoorka si wadajira ay uga qayb gali doonaan labada Aqal ee Barlamaanka Soomaaliya.

Arbacadii la soo dhaafay xildhibaannada labada Aqal ee Barlamaanka ayaa ansixyay Habraaca Wax Ka Badalka Dib u Eegista Distoorka KMG, waloow ay jireen xildhibaanno buuq ka sameeyay fadhiga oo diiday habka sharci ee loo maray ansixintaasi.

Arinta Dib u Eegista Distoorka iyo wax ka badalkiisa ayaa dood adag ka dhex dhalisay dawladda iyo Siyaasiyiinta diidan nidaamka dawladdu u marayso wax ka badalkiisa, waxase muuqata in Guddoonka Labada Aqal aanay dib uga laaban doonin guda galka doodda Distoorka iyo wax ka badalkiisa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker