Iyaga Kursiga Ayaa Looga Kacaa

Wiil aan dhalay ayaa nabar ku dhacay, markaas ayaan station police ka tagay, si aan warqadii dhaawac muujinta uga soo qaato.

Markay cabaar i bahdileen, waxaaba aad moodaa in dirayska loogu xidhay inay qofka muwaadinka ah bahdilaan eh, iska daa wax ay u qabtaan eh, doodihii na dhex maray waxaa ka mid ahaa, kii police ka ahaa, waxaan ku idhi, waar saddex ayaan ka ducaystaa, police station ka, dawlada hoose iyo maxkamadaha,

Kii policeka ahaa ayaa yidhii, dhakhtarkana ku darso, hadalkiisaa ah dhakhtarkana ku darso, inu qiraal yahay ayay ku tusaysaa, nin qof buka ku haya dhakhtarka wayn, ayaa ii sheegay in habeenkii ay bixiyaan 150,000. Waar intee inaga karaysa intaas, cajiib.

Doodii iyo murankii ka bacdi ayay ii ogolaadeen inay i siiyaan, iyada oo buugii obiiga  la buuxinayo,

Ayaa nin dhalinyar ah, oo kuwii la yaqaanay dhaqankood ay soo  galiyeen, isaga oo ay soo feedho qaawiyeen, oo ay garan sidoole ah ku reebeen, waana maalmihii dhaxanta xumi dhacaysay, anigu jaakeed wayn ayaan xidhnaa eh, hadalo ayay yarkii is waydaarsadeen, yarkii dhalinyarta ahaa ayaa yidhi kalmad aan la yaabay, wuxu yidhi ma markaan idin karaamaynay, ayaad sidaa yeelaysaan, kii askarigaa ahaa ayaa mid kale oo iga yaabaysay ugu jawaabay, wuxu yidhi, waar illaahaya ayaa na ciseeyay.

Askarigaa hadii aad wajigiisa eegto, waad ka baxsanaysaa, meesha uu ka shaqeeyo nadafadeeda waad la yaabaysaa, iyo qaylada ka taagan, dadka dhalinyarta ah ee hablo iyo inamo leh ee daaqadaha ka soo qaylinaya, iyaga oo biyo in la siiyo doonaya, oo caagado soo taagtaagaya.

Markaas ayaan is idhi ma ku tidhaa waar maaduu illaahay ku ciseeyay, hadana waan iska aamusy oo wixii na soo dhex maray markii hore dood ayaan ogaa, markaa waxaan is idhi waar doodkale ha isku furin, soomalida ayaa tidhaa hadii dhudhunkaagu meel kaa galo lama soo dhufto ee waa la dhiraandhiriyaa, hadafkaygu wuxu ahaa inaan meesha hore uga baxo.

Arinkii cisiga uu sheegtay ayaan la yaabay, markaa waxaan is idhi waa maxay cisigu, mar hadii ka caynkan ihi sheeganayo inu cisyasan yahay, horta la yaab ma laha, oo gaalada illaahay naarta ugu balanqaadayba cisi ayay sheegtaan, ninka muslimka ah ee illaahay janno ugu yaboohayna wuxu isu haystaa inu dullaysanyahay, waayo hadii aanu isu arkayn inu dullaysanyahay dhul gaalo  uma uu tahriibeen umana hanqal taageen.

Markaa cisigan, kii illaahay uu yidhi isagaa cisiga iska leh, waa muslimka eh, ee aanu arkayn inu cisaysanyahay, iyo kuwii  illaahay dulleeyayna  isu arkayaan inay cisaysanyahay, miyaanay arin layaable ah ahayn, miyaanay ku tusayan inay aduunyada maqluub loo wada shaqaynaayo, oo arimihii isku mulaaqmeen, xumihii iyo wanaagii aan la kala garayn.

Hadal iyo guntii cisi dhamaantii illaahay ayaa iska leh iyo rasuulkiisa scw iyo inta raacday dariiqiisa.

Hadal waxaan ku soo koobayaa illaa afartaa meelood ee loogu talagalay in danyarta  mujtamac u khidmeeyso la hagaajinayo inagam dhawa, kuwa tunka wayn iyo kuwa lacagta jeebku ugu jirtaa, afartaa meelood, iska daa inay bahdilaan ama la murmaan eh fadhiga ayaa looga kacaa iyaga.

Nuur xaaji xiiray

Nur.hersi21@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker