Magacyada horjoogayaasha al-shabaab ee lagu dilay weerarkii Galhareeri oo la shaaciyay

Ciidamada dowladda oo kaashanaya saaxibada caalamiga ah ayaa duqeymo shalay ka fuliyay degmada Galhareeri oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Waxay dowladdu sheegtay in halkaas ay ku dileen 30 ka tirsan ururka al-shabaab oo ay ku jireen horjoogayaasha kooxda oo ay kamid ahaayeen xubno ajaaniib ah halka ay ku dhaawaceen ilaa 20 kale sida ay sheegeen.

Warqad ka soo baxday hay’adda sirdoonka ee NISA, ayaa lagu sheegay magacyada horjoogayaasha shabaab ee lagu dilay weerrarkaasi oo ay kamid yihiin:

1. Qoor-Cadde oo ahaa horjoogaha xarunta Qurdubi oo ay sheegeen inay tahay xarun ay ku faafiyaan fikradaha qaldan.

2.Macalin Maxamed oo ahaa ku xiigeenka xarunta Qurdubi.

3.Cabdikariin Shan-boqolle oo ka mid ahaa aasaasayaashii kooxda ee Galguduud.

4. Wareershe oo ahaa horjooge ka tirsanaa qeybta Gaadiidka.

5. Yamiin oo ahaa horjooge ka tirsanaa maleeshiyaadka Mudug.

6. Cabdullaahi Macalim Bashiir oo ka mid ahaa horjoogeyaasha dagaalamayaasha ee Galguduud.

8. Ciise Maxamed Wehliye oo ahaa horjoogaha waxa ay ugu yeeraan sakawaadka ee Gobolka Sh. Dhexe.

9. Ciise Ruush oo ahaa horjoogihii farsamada hubka.

10. Usaama oo ahaa horjoogihii Isgaarsiinta.

11. Xasan Nuur oo ka tirsanaa qeybta Gaadiidka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker