Milatariga Soomaaliya oo sheegay in ay burburiyeen Idaacadd Al-Shabaab leeyihiin

War ka soo baxay taliska ciidamada xoogga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in la burburiyay Idaacadda ay lahaayeen al-Shabaab oo ku taallay deegaanka Galhareeri ee gobolka Galgaduud.

Qoraalka ka soo baxay ciidamada ayaa sidoo kale lagu sheegay in lagu dilay wariyaal ka shaqeynayay idaacadda qalabkeeda la burburiyay iyo xubno kale oo ka tirsanaa al-Shabaab.

Howlgalkaan ayaa waxaa iska kaashaday ciidamada dowladda iyo saaxiibbadooda caalamiga ah, waxaana loo adeegsaday gantaallo weeraradan.

Dowladda ayaa sheegatay in tirada lagu dlay howgalkaan ay gaarayso 25 xubnood oo isugu jiray wariyaal, farsamayaqaanno iyo xubno kale.

Marka laga yimaado warkaan ka soo baxay dowladda ma jirto cid si madax bannaan u xaqiijin karta.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker