Iiraan Oo Mag Dhow Siinaysa Dadkii Ku Hanti Beelay Rabshadihii Ka Dhacay Dalkaasi
Madaxa Cadaalada Iiraan Ibraahim Ra’iisi ayaa sheegay in dowlada ay taageeri doonto dhibanayaashii ku hanti beelay dibadbaxyadii Rabshadaha Watay ee bishii hore Gilgilay Dalkaasi.
Isaga oo ka hadlayay Xarunta Maxkamada Sare ee magaalada Tehraan Ayuu sheegay in dowlada ay magdhow siin doonto dadka Hantidoodii waxyaaladu Soo Gaadhay .
Mr Ra’iisi ayaa intaa raaciyay in muwaadiniinta hantidooda la burburiyay ay xaq u leeyihiin in sharci ahaan ay Sheegtaan.
Dhanka kale wuxuu ku booriyay waaxyaha dowlada ee ay Arintani Khusayso in ay guda galaan sidii dayactir loogu sameyn lahaa dhismayaasha ganacsi ee burburku soo Gaadhay.
Dibadbaxyada Iiraan bishii hore ka dhacay ayaa yimid kadib markii dowlada ay kordhisay qiimaha Shidaalka taasi oo dhalisay carada Dadweynaha.




