Sudan oo ka baxday urur goboleedka IGAD

Sudan ayaa sheegtay in ay ka baxayso urur goboleedka bariga Afrika ee IGAD. Ururka ayaa isku dayayay in uu wada xaajood ku dhameeyo dagaalka u dhexeeya ciidamada Sudan iyo xoogaga taageerada degdegga ah ee ka soo horjeeda.

Khamiistii Khartoum waxay hakisay wax kasta oo ku lug wadahadalada nabada ee ay dhexdhexaadinaysay IGAD.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa ku eedeeyay ururkan in ay ku xad-gudbeen madax-bannaanida Suudaan, kaddib markii hoggaamiyaha RSF (Maxamed Xamdaan Dagalo) lagu casuumay shir-madaxeedka Uganda.

War-murtiyeed ay maanta soo saartay wasaaraddu waxay ku tilmaantay war-murtiyeedkii IGAD ee gunaanadkii shirka mid xushmad-darro iyo meel ka dhac ku ah shacabka Suudaan.

Dagaalkii sagaalka bilood socday wuxuu qasbay in ka badan toddobo milyan oo qof in ay guryahooda ka baxaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker