Madaxweynihii hore ee Sierra Leone oo u duulay Nigeria si uu daryeel caafimaad u helo

Madaxweynihii hore ee dalka Sierra Leone ayaa u ambabaxaya dalka Nigeria si uu isu soo dabiibo inkastoo lagu wado in maxkamad la soo taago oo lagu eedeyay in uu ku lug lahaa isku daygii afgambi ee sanadkii hore.

Ernest Bai Koroma ayaa maxkamada sare siisay fasax uu kaga baxo dalka arbacadii ugu badnaan saddex bilood. Madaxweynaha hadda ee Sierra Leone ayaa arrintan ku tilmaamay mid bini’aadantinimo. Balse waxaa si weyn loo rumeysan yahay in la gaaray heshiis u ogolaanaya Mr Bai Koroma inuu musaafuris galo.

Maxkamadeyntiisa khiyaano qaran ayaa bilaabaneysa bisha Maarso. Mr Bai Koroma ayaa 11 sano hogaaminayay dalka Sierra Leone ilaa sanadkii 2018-kii markaasoo la doortay madaxweynaha hadda talada haya ee Julius Maada Bio. Diyaarad laga leeyahay dalka Nigeria oo uu la socday madaxweynihii hore ayaa la arkayay iyadoo ka dhoofeysa garoonka diyaaradaha ee magaalada Freetown galabnimadii Jimcaha.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker