“Abaartii Inntey Miyigii iyo Xooladhaqatadii Soo Dhaaftey Ayey Magaaladii Soo Gashey ….. “

“Abaartii Inntey Miyigii iyo Xooladhaqatadii Soo Dhaaftey Ayey Magaaladii Soo Gashey Muhiimadu Waa In La Ogaado In Dhuuntii Wax Gaadheen”
Cabdilaahi Lugbuur Madaxweynihii Hore ee Deegaanka Soomaalida
Madaxweynihii hore ee Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdilaahi Xasan(Lugbuur), ayaa Si aad ah uga hadley Xaalada Abaarta Kajirta Deegaanka Soomaalida Itoobiya, oo Kamid ah Deegaanada ay Sida Xoogan u Saamaysay Abaartaasi, Waxaanu Ku Dheeraadey, in Laga dabatago Sida, ay Dadka Xooladhaqatada ah ee Reer Miyiga ahi u Gaadhay Taakulayntii Maamulka Deegaanku Sheegay, inn ay u Ururiyeen Dadkaasi.
Cabdilaahi Xasan Madaxweynihii hore Ee Deegaanka Soomaalida Itoobiya isagoo Ka Hadlaya, Xaalada, Waxa uu Sheegay, inn ay abaartii usoo Gudubtey, Magaalooyinka Maadaama, ay had iyo jeer Isku Xidhan yihiin Nolosha Miyiga iyo Ta Magaaladu.
“Sida ay Dawladda Deegaanku innoo Sheegtay Ama Warbaahintaba ay Ka Sheegeen, Waxaa La Ururiyay Lacago Badan, oo Maamulka Deegaanka, Dawladda Itoobiya, Hay,adaha Madaxabanaan, iyo Shakhsiyaad badan, oo Ganacsato iyo Dad Gaar ahba Leh, Anniga Walwalkaygu Waxa weeyi, lacagihii la Ururiyay Sidii Loogu talagaley Maloo waddaa Dhuuntii Ma Galeen, Abaartani Masiibo Weeyi, Baadiyaha Iska Daaye, Magaalada Ayaabay Kujirtaa, Waxaad ogtihiin in Magaalada Laga Cuno oo laga Iaticmaalo, Waxa Miyiga Ka Yimaada, oo Hilibkii, iyo Caanihii iyo Wax kale oo badan Magaaladu Miyiga ayay Ku Nooshahay” Ayuu Yidhi.
Waxaanu intaa Ku darey Hadalkiisa isagoo La hadlaya Lacagaha Caawimada ah ee la Ururiyay.
“Musaacidadu, Waa In aanney Ku Dhicin af Qaldan, Waa in aan Af Libaax loo Leexin, Dadka Waanu lahadalnaa, Habeen iyo Maalin oo Waanu Wacnaa, Waxey Yidhaahdeen waxaa Warbaahinta Laga sheegay Majiraan Wax Na soo gaadhay, Mihiimadu Waxa Weeyi inn Gudi Loo Sameeyo Heer Federaal, Heer Deegaan, iyo Heer Soon, Si Loo ogaado, Xaqiiqda”.
“Waxa kale oo Muhiim ah dadku Maxay u baahan yihiin, Waxey u Baahan Yihiin, biyo Cunto, iyo daryeel Caafimaad, Waa in la gaadhsiiyaa, oo La dabagalaa, Waxaa Naloo sheeghayaa inn Hooyo uur leh iyo ilmihii ay Isku Go,een iyo in Xoolihii dhamaanayo, oo Calaf la,aan u Dhimanayaan, Waa in Xoolaha loo Qalaa Dadka Lasoo Ururiyay” Ayuu hadalkiisa Kusoo gunaanadey, Madaxweyne Hore Cabdilaahi Xasan oo Ku magacdheer Cabdilaahi Lugbuur.
Xaalada Abaarta ayaa siweyn Looga deyrinayaa guud ahaanba Dhulka Soomaalida oo ay Somaliland Kujirto, Walow Deegaanka Soomaalidu wakhtigan Yahey, Halka ugu Sii daran, ee Abaartu Gaadhay Meel halis ah iyadoo Wakhtiyo badan, Soo Noqnoqotey, haddana Isbadelka Cimilada iyo Arimaha Siyaasayada, oo Guud ahaanba Soomaalida Saameeyay, ayaanu Wali jirin Qorshe Lasoo bandhigay oo Lagaga dabaalan Karro, Xaalada abaarta marka laga Reebo hayaankii ay dadka Xooladhaqatada ahi, Deegaanba Deegaanka uu Ka Ba an Yahey ugaga hayaami jireen taas oo ilaa iyo hadda Wali Dabada lasii hayo.
May be an image of 1 person and sitting

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker