Mareykanka oo fuliyay duqeyntii afaraad

Mareykanka ayaa markii afaraad muddo ka yar todobaad gudihiisa weerrar xaga cirka ah ku qaaday kooxda xuutiyiinta ee fadhigoodu yahay dalka Yemen, kuwaas oo taagero ka heysta Iiraa.

Weerarkan waxaa xaqiijiyay saraakiil ka tirsan waxaada difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka.

Ciidamada Mareykanka ayaa bartilmaameedsaday gantaallo gaaraya ilaa 14, kuwaas oo ay sheegaan in looga gol lahaa in lagu weerarro maraakiibta maraya badda cas.

Hore, xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay sii wadi doonaan weerarada ay ku qaadayaan maraakiibta badda cas gaar ahaanna kuwa xirriirka la leh Israa’iil ilaa bay yiraahdeen uu ka joogsanayo dagaalka Israa’iil ee marinka Qasa.

Duqeynta Mareykanka ayaa imaaneysa kadib markii Xuutiyiintu ay gantaallada balaatiga ah ku garaaceen maraakiib laga leeyahay Mareykanka.

Isla Mareykanka, waxaa uu liiska argagaxisada dib ugu daray kooxda Xuutiyiinta.

Hogaanka Xuutiyiinta ayaa tallaabada Washington ku tilmaamay inay tahay iclaamin dagaal.

Maamulka Biden ayaa Xuutiyiinta ka saaray liiska argagaxisada saddex sano ka hor, si ay ugu fududaato in gargaar la gaarsiiyo dalka Yemen oo ay ka jirtay xaalad bini’aadanimo oo quus ah.

Mid kamid ah hogaamiyeyaasha siyaasadda ee Xuutiyiinta, ayaa BBC-da u sheegay in dib ugu soo celinta Xuutiyiinta ee liiska argagaxisada aysan marna joojin doonin weerarrada ka dhanka ah maraakiibta badda cas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker