Raysal wasaaraha UK oo ka jawaabay soo jeedin la xirriirtay aqoonsiga Somaliland

Raysal wasaaraha Ingiriiska, Rishi Sunak, ayaa jawaab ka bixiyay, codsi uu soo jeediyay Alexander Stafford, oo ah xildhibaan ka tirsan baaralamaanka UK.

Codsiga uu soo jeediyay xildhibaanka ayaa ahaa in dowladda UK ay bilowdo hannaan Somaliland loogu aqoonsanayo dal madax banaan.

Balse raysal wasaaraha UK oo jawaab kooban ka bixiyay arrintaasi ayaa yiri:

‘Uk iyo saaxibada Africa, waxay haatan ku howlanyhiin sidii nabad loogu soo dabaali lahaa gobolka, waxaanna kala shaqeyn doonnaa cid kasta si taasi u suurtagasho’.

Hadalkiisa sidaa ayuu ku soo koobay raysal wasaaruhu.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker