Xamaas oo hadashay iyo tirada ilaa iyo hadda ku dhimatay dagaalka Qasa

Wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho ee Qasa ayaa baahisay in ilaa iyo hadda la ogyahay in dagaallka Qasa ay ku dhinteen dad gaaraya ugu yaraan 24,100 qof.

Dadkaan ka badan labaatanka kun ayaa geeriyooday laga soo bilaabo toddobadii bishii Oktoobar ee sanadkii tagay.

Tiradaan ay wasaaradda caafimaadka Xamaas ay shaacisay ayaa ku soo aadeysa xilli boqol maalmood laga joogo markii dagaalku bilowday kadib weerarkii gataalaha aha aee Xamaas ay Israa’iil ku qaadday iyo falcelintii Israa’iil oo ilaa hadda socota.

Duqeymaha ay gaysanayaan diyaaradaha Israa’iil ayaa waxyellada ugu badan waxaa ay ka soo gaartaa dadka rayidka ah, iyadoo aaney miro dhalin ilaa iyo hadda dadaallo lagu doonayay in xabad joojin rasmi ah lagu dhex dhigo labada dhinac.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker