Safiirka Soomaaliya Ee Kenya Amp Tarsan Oo Muqdisho Kusoo Noqday

Waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray Ambassador Maxamed Axmed Nuur Tarsan, safiirkii Soomaaliya u fadhiyey wadanka Kenya, kadib markii dowladda Kenya ku ammartay in uu dalkooda degdeg uga soo baxo.

 

Wararka waxay sheegayaan in diyaaradda uu la socday mudane Tarsan sidoo kale uu saarnaa wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federaalka ah Axmed Ciise oo xalay soo gaadhay Nairobi kadib markii uu ka yimid dalka Sweden.

 

Xidhiidhka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa hadda gaaray meeshii ugu xumeyd, iyadoo dowladda Kenya ka fiirsasho la’aan ku jartay xiriirkii kala dhaxeeyey dowladda Soomaaliya.

 

Dowladda Federaalka ah ayaa la filayaa in jawaab degdeg ah ay arrintan ka bixiso, iyadoo lasoo sheegayo in kulamo arrintan ku aaddan ay ka soconayaan madaxtooyada qaranka.

Ambassador Maxamed Axmed Nuur Tarsan,

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker