Casharo ku duugan suurada AL-KAHF

Maqaalka qormadan waxaynu ku qaadan doonaa casharo ku duugan suurada AL-KAHF. Waxan jecleystay in aan idinla wadaago casharo ku saabsan suuradan. Waayo wax laga yaabaa in dad badani ay akhriyaan suuradan maalinta jimcaha .
Waxaynu si toos ah oo kooban u geli doonaa casharada ku duugan suuradan oo ay ka mid yihiin kuwan hoos ku qoran , waxaana xusid mudan in casharada suuradan ku duugani aanay ku koobneyn intan oo keliya.

1.Xasuusnow in dhal-dhalaalka aduunyo iyo quruxdeedu yahay imtixaan. Kaas oo lagu tijaabinayo dadka kooda la yimaada camal daacadnimo & toosnaan leh. Sidoo kalena la tijaabinayo inuu noqdo qofku mid isku ilaaba ama noloshiisa oo dhan ku qaata raadinta iyo ku raaxeysa-shada quruxda adduunyo. Ogsnoonow in ujeedada aduunyadan loo abuuray tahay in camal wanaagsan laga sii sahay qaato , aduunyadana laga dhigto wadadii aakhiro loo marayay , oo aan la moodin inay tahay aduunyadu meel lagu nagaanayo.

2. Marka aad ogaatay xaqiiqada aduunyada , iska ilaali inaad rabitaanka naftaada u hogaansato , oo aad ka door-bido ama ay ku ilawsiiso quruxda aduunyo u shaqaysashada aakhiro.
Guud ahaan u shaqaysashadeeda aakhiro yaanay kaa mashquulin quruxda aduunyadu.

3.Weydiiso RABBIGAA inuu kugu sugo diintiisa , iyo la imaanshaha camalka wanaagsan , sida ay sameeyeen asxaabul kahfi.

4. Isku dey inaad diintaada ku adkaato. Waayo asxaabul kahfi nolo-shaas adag ee god-ka ayay ka door-bideen qasrigay ku noolaan jireen.

5.Ku xasuuso wiilashaas inay ahaayeen dad aduunyo ka doortay Aakhiro.

6. Aakhiro iyo raali-gelinta ALLE ku xasuuso sheekada wiilashaas.

7. Dadka wanaagsan la soco , naftana ku qasab inay la socoto dadka wanaagsan , haba ahaadaan dad aan wax-ba haysane. Waayo dadkaasi rabigood ayay ku mashquuleen. Wakhtigoodana waxay ku qaataan xuska RABBIGOOD iyo baryadiisa.

8. Ha raacin oo ha dhagaysan warka cid-kasta oo rabitaankiisa raacay ee arrinkiisuna khasaare ku dambeeyo. Waayo waxa jira laba wado oo keliya oo kala ah inaad marto wadada RABBIGAA ku amray , iyo inaad raacdo waxay naftaato jeceshahay.
9. Iska ilaali inaad la dhacdo ama ay kula weynaato waxa gacanta laguu geliyay ee adduunyo ah sida lacag , oo ay kugu keento inaad ugu faanto dadka kale ee aan haysan waxa lagu siiyay.
Addunyada aad gacanta ku haysaa yaanay kibir , isla-weyni iyo xad-gudub sabab u noqon inaad ku dhacdo.
Waxa xusid mudan in galadaha iyo nimcooyinka qofkastaa haystaa ay tiro badan yihiin , lacagtuna waa mid ka mid ah uun galada-haas.

10. Ku dedaal inaad ALLE ugu mahadnaqdo dheeraadka uu kugu manaystay. Isku deyna inaad tidhaahdo xilli kastana joogteyso
ما شاء الله لا قوة الا بالله
waayo dheeraad-ka aad heshay kumaad helin awoodaada iyo xeeladaada. Sidoo kalena wakhtiyada aad dareento inay kula weynaatay waxa aad haysato , joogtee kelmada-haas kor kor xusan.

11. Haddii aanad haysan wax buuran oo ah dhal-dhalaalka aduunyo , kaga maaran oo nafta ku maaweeli , xasuusina waxa dheeraad iyo kheyr ALLE agtiisa taala ; sida jannadda iyo barwaaqadeeda.

12. Hadaanad nolol qiimo Iyo dhal-dhalaal badan haysan , Niyada ku hay oo xasuuso wiilashii asxaabul KAHF ; ee nolol macaan ka doortay raali-gelinta RABBIGOOD .

13. Xasuusnow in dhal-dhalaalka aduunyo ay dhamaanayaan , sida darteed iska ilaali in korodh-sashadeeda iyo ku faanisteeda aad wakhti badan ku lumiso. Laakinse ku dedaal waxa hadhaya ee ah camal kasta oo wanaagsan .

14. Xasuusnow maalinta Aakhiro iyo in adiga oo keli ah oo aan haysan dadkii iyo duunyadii aad ku faani jirtay ama aad ku daashay , lagu horkeeni doono RABBIGAA.

15. Xasuusnow cadawtinimada IBLIIS ee uu sabab u ahaa in Janadda laga soo saaro Nabi Adam ;kana dhigo cadaw, hana ka yeelan shaydaanka xigto.

16.  Iska ilaali saaxiibka xun iyo la socodka dadka camalada xun la saaxiib ah .

17. Ku dedaal inaad barato akhrinta Quraanka iyo inaad  barato macnihiisa sida ay saxaabadu samayn jireen.

18. Ku dedaal inaad is-dhul dhigto , kulana dhaqan bulshada ixtiraam iyo qadarin ; sida uu sameeyay Nabi Muuse.
Hana noqon sida ninkii saaxiibkii ugu faanay maalkiisa iyo dadkiisa ee ku xusan suurada.

19. Ku dedaal inaad korodh-sato cilmi wakhti kasta , da’a kasta iyo heer-kasta oo aad taagan tahay , sida uu sameeyay Nabi Muuse.
Wakhtigaaga qeyb ka mid ahna ku qaado barashada cilmiga . Ogsoonow-na inaad
U sabirto barashada cilmiga.

20. Ma ku aragtay suuratul KAHF sida uu  DUL-QARNEYN u caawiyay dad aanay isir iyo diini ka dhaxeyn?
Adiga oo taas ka qiyaas qaadanaya , Ilaahay wuxuu galad kuu siiyay ama gacantaada geliyay sida xil , aqoon ama lacag , iyo wax-kasta oo aad awoodo ku caawi bulshada .

21. Xasuusnow maalinta qiyaame wakhti kasta  , hagaajina waxa idinka dhaxeeya adiga iyo RABBIGAA , una diyaar garaw maalin-taasi.

22. Xasuusnow hadaad rabto la kulanka RABBIGAA iyo abaalmarintiisa , camal-kaaga ka yeel mid ALLE dartii ah ; kana ilaali inaad dadka ha ku arkaan ama ha ku qadariyaan u samayso. Una samee camalkaaga si waafaqsan sunnada Nabiga .
صلى الله عليه وسلم

F.G
1. Maqaalka qormadani kama turjumayo aqoon aan u leeyahay cilmiga TAFSIIRKA , balse keliya wuxuu dhiirigalinayaa barashada cilmigan qaaliga ah ee TAFSIIRKA.
2. Waa maalin Jimce ah yaan la ilaabin badinta saliga Nabiga.
3. Maalinta jimcaha waxa ku jirta saacad ducada la aqbalo , iyadana aynu ka faa’ideysano.

 

DHAMMAAD

WAXAAN KA SOO QAATAY MAQAAL-KAN:
موسوعة التفسير للدرر السنيه.1
2.https://www.almunajjid.com/3115

Ka daalaco qoraaladii hore degel-kan:
View at Medium.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker