Xuutiyiinta Yemen oo war cusub soo saaray

Afhayeen u hadlay Xuutiyiinta dalka Yemen oo lagu magacaabo Maxmed Abdel Salam oo ka hadlayay qaraar ka dhan ah weerarada ay kooxdiisu ku qaadaan maraakiibta badda cas kana soo baxay Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in ansixinta qaraarkaas ay tahay ciyaar siyaasadeed.

Afhayeenka Xuutiyiinta ayaa carrabka ku adkeeyay in Mareykanku yahay kan ku xadgudba sharciga caalamiga ah.

Saacado ka hor ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey waxaa ay meel-mariyeen qaraar wax looga qabanayo weerarada waayahaan dambe joogtada noqday ee Xuutiyiintu ka gaysanayaan badda cas kuwaas oo ay ku beegsanayaan maraakiibta shisheeye.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker