Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo safar ku aaday Eriteriya xilli xiisadi taagantahay
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u duulay dalka Eriteriya, halkaas oo lagu wado inuu kula kulmo dhiggiisa Eriteriya Isaias Afwerki.
Safarka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay taagantahay xiisadda ka dhalatay heshiiskii is af-garadka ahaa ee Adis Ababa ku dhexmaray kowdii bishaan raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.