Sidee ayay ku baxday odhaahda “Burco waa magaaladdii ragga”?

Odhaahda tidhaahda Burco waa magaaladdii Ragga sidee bay Ugu baxday Burco? Horta bal aynu kala faa’iideysanee aan anigu intaan ogahay soo daayo. Waxa la yidhi berigii dawladdii Maxamed Siyaad Barre ayaa goboladdii dalkoo dhan siminaar (Seminar) looga furay magaaladda Muqdisho. Intaan Siminaarkii la bilaabin ayaa gobolka kasta la yidhi qof haw hadlo Oo ha sheego waxa gobolkooda ka soo baxa. Kolkii gobol kastaa hadlay ee uu sheegay wixii gobolkooda ka soo baxaayey sida qaar yidhaahda Muus baanu beernaa, qaar yidhaa hadhuudh baanu beernaa, qaar yidhaa xoolo ayaanu dhaqanaa, qaar yidhaa Kaluun baanu la soo baxnaa, qaar yidhaa Babaay iyo liin baanu beernaa. Adigu kolkii gobolba wax sheegtay ayaa gebagebaddii hadalka la soo gaadhay nin ka socday gobolka Togdheer ee Burco. Ka dib ninkii Burco ka socday ayaa ileyn wax walba waa la sheegtee ayuu kaftan ahaan u yidhi sidatan: ” Sow maydaan maqal Waxaa Barwaaqo laga soo sheekeeyey? Raggii cuni lahaa baanu soo saarnaa” halkii baa qosol laga wadhay oo lala kala jeestay oo uu kaftankii ku qaatay. Badankiinu Maayar Muraad oo leh magaaladdii Ragga Oo ka sheekaynaya ayuun baydin maqasheenu anigu sidaasan u maqlay inuu hadalkaasi ka soo unkamay.

Qof kii wax kale ku biirnayaana aynu si waafiya u kala faa’iidaysano iyadoo magaaladda Burco ee aan jecelahay la xaqdhowrayo. Waan idin salaamay.

 

 

Jamaal Cali Xuseen

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker