Caaqil Reer Zimbabwe Ah Oo Amray In Lasoo Qufo Lafihi Robert Mugabe

Caaqil ku nool dalka Zimbabwe ayaa amar ku bixiyey in la soo qufo lafihi madaxweynihi hore ee dalkaasi Robert Gabriel Mugabe laguna aaso xabaalaha qaranka.

Mugabe oo geeriyooday 2019-kii ayaa lagu aasay magaalada Kutuma iyada oo amarka in halkaa lagu aasanaa uu lahaa madaxweynihi beddelay ee Emmerson Mnangagwa, iyada aas qaranna aan loogu sameeyn caasimadda Harare si la mid ah halgamayaasha dalka Zimbabwe ee geeriyooda.

Qoyska Mugabe ayaa sheegay inuu Mugabe cabsi ka qabay haddii lagu aaso qabuuraha qaran ay hadhaagiisa ay cadawgiisa siyaasaddeed ee xukunka ka qaaday 2017-kii u isticmaalaan siyaabo kale.

Isniintina Hoggaamiye Dhaqameed ku sugan degmada Zvimba, oo ku taalla galbeedka Harare, wuxuu sheegay iney cabsaha ku aaddan halka Mugabe lagu aasay ay soo gaarsiiyeen qaar ka mid ah odayaasha qabiilka uu Mugabe ka dhashay.

Wuxuuna oday dhaqameedku uu marwadi koobaad ee hore uu ku xukumay iney dambiile tahay maadaamaa ay baalmartay oo ay seygeeda ku aastay meel ka baxsan deegaankiisa.

Hase yeeshee goobta uu hoggaamiye dhaqameedku garta ku qaadayey Grace Mugabe ma aanay  joogin, balse wuxuu marwadu uu ku xukumay iney bixiso shan neef oo lo’ ah iyo shan neef oo adhi ah.

“Oday dhaqameedku inuu awood u laheen inuu ka hadlo Kutama. Xataa haddii caaqilka saxda ah uu xukunkaasi sameyn lahaa waxaan racfaan ka qaadan laheen maxkamadda”, ayuu yidhi afhayeenka qoyska Mugabe Leo Mugabe oo u warramay wakaaladda wararka ee Reuters.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker