Wadanka Turkiga oo cambaareeyay weerarkii ay Xuutiyiinta Yemen ku qaadeen Maraakiib laga leeyahay Dalka Sacuudiga.

 

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Dalka Turkiga ayaa Shalay oo Khamiis ahayd cambaaraysay weerarkii ay Xuutiyiinta Yemen ku qaadeen Markab Shidaal oo laga leeyahay Dalka Sacuudiga.

“Waxaan cambaaraynaynaa weerarkii lagu qaaday Laba Markab Shidaal, oo laga lahaa Sacuudi Carabiya, kuwaas oo marayay Marinka Bab-el Mandeb, ayaa lagu yidhi warka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ee Dalka Turkiga.

“Waxaan ku baaqaynaa in la joojiyo tallaabooyinka noocaas ah, oo khatar galinaya amniga Badda, waxaana laga yaabaa in ay sii kordhiso xiisadda hadda ka jirta Gobolka,” ayay wasaaraddu raacisay.

Arbacadii ayay ahayd markii ay Jabhadda Xuuthiyiinta ee ka dagaallama Dalka Yemen, Ee  taageerada ka haysata Iiraan ay weerar Gentaallo ah ku qaadday Laba Markab oo siday Shidaal, lagana lahaa Dalka Sacuudiga, iyadoo uu dhaawac yar kasoo gaadhay mid ka mid ah Maraakiibtaasi oo lagu Magacaabo Damaam.

Xigasho: Anadolu

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker