ATMIS oo soo bandhigtay yoolalkeeda sannadka cusub ka hor inta aysan ka bixin Soomaaliya

Wiiqidda Al Shabaab iyo sare u qaadidda awooda Ciidamada Nabadsugida Soomaaliya (SSF) ayaa ah mudnaanta koowaad ee howlgalka Midowga Afrika ee Ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) sanadka 2024-ka, sidaasi waxaa lagu yiri barta internet-ka ee ATMIS oo soo xiganaysa Taliyaha ATMIS.

Yoolalkan sanadka cusub waxaa soo bandhigay Taliyaha Ciidanka ATMIS Lt. Gen. Sam Okiding iyo Taliyaha Bilayska ATMIS, CP Hillary Sao Kanu siday u kala horreeyaan fariimaha dhammaadka sanadka.

“Hawsha koowaad ee aan qabanayno sanadka soo socda waxay noqon doontaa wiiqidda Al Shabaab. Waa in Al Shabaab laga adkaado si shacabka Soomaaliyeed ay ugu noolaadaan nabad iyo xasilooni,” ayuu yiri Taliyaha ATMIS.

Sida lagu sheegay qormada ATMIS, shir ay isugu imaanayaan dhammaan taliyayaasha ATMIS ayaa lagu qaban doonaa Muqdisho si loo sifeeyo Fikradda hadda ee Hawlgallada (CONOPS) si qaab hufan looga hortago dagaalka Al Shabaab.

Askariga ugu dambeeya ee ATMIS ayaa la filayaa in uu Soomaaliya ka boxo halka lagu gaar dhamaadka sannadka soo socda ee 2024

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker