NISA oo qabatay Gaadiid la sheegay inuu qalab u siday AS & Rag la socday

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku dhigay saddex gawaari ah oo ay ku raranyihiin Alaabo electronics u badan iyo dadkii watay, sida goor dhow uu baahiyay Telefashinka ku hadla afka dowladda Soomaaliya.

Gawaarida ayaa lagu qabtay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ee Maamulka Galbeed, waxaana sidoo kale ciidanka Nabadsugida gacanta ku dhigeen 8 Ruux oo uu ku jiro Muwaadin u dhashay dalka Uganda.

Kooxdaan Ciidanka Sirdoonku gacanta ku dhigay ayaa ku sii jeeday goobaha dagaalamayaasha Al-Shabaab ka joogaan Shabeellaha Hoose,  waxaana lagu tuhunsan yahay in qalabka ay u wadeen halkaasi.

Ciidamada ayaana baaritaano dheeraad ah ku wada dadka ay qabteen iyo qalabka elektarooniga ah, waxaana jira tuhuno la xariira iyo dadka la qabtay qaarkood ay kusii jeedeen Al Shabaab.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker