Wiil walaashiis u dilay hadiyad awgeed

Labo wiil oo walaalo ah ayaa la xiray ka dib markii walaashood uu toogtay mid ka mid ah sidaasna ay ugu geeriyootay muran ka dhashay hadiyado Christmas-ka.

Gabadha 23-jirka ah ayaa waxaa laabta xabbad kaga dhuftay walaalkeed oo da’yar xilli ay wiilkeeda oo 10-bilood jir ah ku haysay gaariga caruurta, sida uu sheegay xafiiska booliska ee Florida.

Wiilka ayaa markaas waxaa toogtay walaalkiis ka weyn oo la baxay bastooladdiisa, Xafiiska booliska Pinellas ayaa sidaas sheegay.

Waxa uu intaa ku daray in toogashadu ay daba socotay muran ku saabsan cidda hadiyadaha u badan helaysa.

Sarkaal ka tirsan booliska, Bob Gualtieri ayaa wariyeyaasha u sheegay, midka roon wiilasha oo 15 jir ah inuu Meesha ka cararay kadib markii uu xaseeyay bastooladdi.

Kan yar oo 14 jir ayaa isbitaalka loo qaaday xilli ay xaaladiisu degan tahay waana la xiri doona marka uu soo boxo sida uu boolisku sheegay.

Gabadha ayaa iyadu isbitaalka ku dhimatay, waxna ma soo gaarin ilmaheeda yar.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker