Dowlad raadineysa boqol qof oo u dagaallamayay calooshood u shaqeystayaasha Wagner oo la’yahay meel ay jaan iyo cirib dhigeen

Qiyaastii boqol qof oo u dhashay dalka Nepal ayaa la la’yahay ama ku dhaawacmay dagaalka u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine.

Dowladda Nepal ayaa sheegtay in ay soo gaareen cabashooyin ku saabsan xaaladda 100 qof oo ka mid ah muwaadiniinteeda oo eheladoodu ay raadinayaan.

Dadkan ayaa u dagaallamayay kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Ruushka ee dagaalka kula jira Ukraine laguna magacaabo Wagner.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Nepal Narayan Prakash Saud ayaa sheegay in dowladiisu ay la wadaagtay xukuumadda Moscow walaaca ku aaddan dadka la la’yahay meel ay jaan iyo cirib dhigeen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker