Qarax dad ku dhinteen oo ka dhacay dalka ugu muslimiinta badan caalamka

Ugu yaraan saddex iyo toban qof ayaa ku dhintay qarax ka dhacay warshad lagu farsameeyo birta nickel-ka oo ku taalla dalka Indonesia.

Shilkan ayaa dhacay xilli ay shaqaaluhu dayactir ku wadeen foorno ku taalla dhismo ay Shiinuhu maal-galiyeen oo ku yaalla jasiiradda Sulawesi.

Waxaa loo malaynayaa in dareere gubanaya uu dab qabsaday, taasoo dhalisay qaraxyo xiriir ah oo ka dhacay taangiyada ogsijiinta ee u dhow.

Dadka dhintay waxaa ku jiray shaqaale u dhashay Indonesia iyo Shiinaha.

Nickel waxa loo isticmaalaa badeecooyin badan, oo ay ku jiraan baytariyada baabuurta korontada ku shaqeeya iyo birta istiilka (steel). Indonesia waa dalka ugu weyn ee soo saara Nikkel-ka

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker