Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha JSL oo shaacisay tartan ciyaareed oo laqaban doono
Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland ayaa shaacisay tartan ciyaareed loo qaban doono 142-kooxood oo heer dagmo ah.
Kulankaasi waxa kasoo qayb galay wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland iyo masuuliyiinta xidhiidhka kubadda cagta iyo xubno kale.
Tartankaasi ayaa loogu tala galay degmooyinka caasimadda Hargeysa ee siddeedda ah iyadoo lagu ciyaari doono siddeed garoon oo degmooyinka kamid ah, Agaasimaha waaxda ciyaaraha ayaa sheegay intartanka ay ka qayb gali doonaan 3,800 oo ciyaaryahan.
Boos Mire Maxamed wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland ayaa sheegay in tartankani fursad u yahay ciyaartoyga waxanu xusay in sidoo kale goboladana laga qaban doono tartankan oo kale. Wasiirka ayaa sheegay in xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ay diyaar u tahay inay wax la qabato dhalinyarada dalka.