Culimada Somaliland oo Baaq ka Soosaaray Xalada Dalka

Ilaahay baa mahad dhammaanteed iska leh, Naxariis iyo Nabadgelyana ha ahaato Nebi Muxammed dushiisa.

Annaga oo ah Culimada magacyadoodu hoos ku xusan yihiin, waxa aannu soo jeedinaynnaa maanta oo ay tahay bisha May 28, 2022, baaqan nabadeed:

1. Waxa aannu bulshada Soomaaliland madax iyo shacabba ugu baaqaynnaa in ay si wadar ah oo guud iyo si gaargaar ah ba u toobad keenaan oo Alle u soo noqdaan si Alle – korreeye – uu culaysyadan iyo dhibaatooyinka jira ee abaaraha ah, sicir bararka ah, xanuunnada ah iyo khilaafkaba inooga dulqaado.
2. Waxa aannu Madaxda dalka muxaafid iyo mucaaradba ugu baaqaynaa in ay danta guud ee bulshada dhawraan, maslaxadda guudna u tudhaan oo muranka siyaasadeed qaboojiyaan, suulinta khilaafka iyo yareyntiisana ka shaqeeyaan, si heshiis iyo wax la isla oggolyahay loo gaadho si nabad ah.
3. Waxa aannu madaxweynaha si gaar ah ugu baaqaynnaa in uu masuuliyaddiisa odaynnimo muujiyo oo khilaafka jira ku soo afjaro dulqaad iyo tanaasul, isaga oo ku camal falaya xadiiska Nebiga –scw- ( ‏ ما من عبد ترك شيئاً لله إلا أبدله الله به ما هو خير منه من حيث لا يحتسب)
4. Waxa aannu madaxda mucaaridka ugu baaqaynnaa in ay kicinta bulshada joojiyaan samatalisnimada iyo dulqaadkana fursad siiyaan, si nabad ahna rabitaankooda ku raadsaan, oo aanay xaaladdan xakiran uga sii darin.
5. Shacabka waxa aannu ku waaninaynaa nabadgelyadaa ina wada deeqdee aynnu si wadajir ah u wada ilaashanno, ogaadana in aanay cidina colaadda iyo rabshadaha ku faa’iidaynnin, belaayadu marka hore way qurux badantahay, marka ay dhacdana way foolxumaataa, inta aanay dhicin aynnu ka wada hortagno.
6. Waxa aannu si gaar ah ugu naseexaynaynaa qurba joogta in ay bulshadan tabaalaysan u tudhaan oo aanay qabyaalad iyo isku dir ka shaqeynnin, taa beddelkeedana dadaalkooda geliyaan sidii ummaddan wadajirkeeda iyo walaaltinnamadeeda loo xoojin lahaa, waxaannu ku boorrinaynnaa in ay xasilloonida iyo is fahamka bulshada ka qayb qaataan oo aanay kala fogeyntooda ku lugyeelannin.
7. Warbaahinta waxa aannu xasuusinaynnaa in ay ku dadaalaan in ay faafiyaan wixii bulshadan walaaltinnimadeeda iyo isu soo dhowaanteeda xoojinaya, oo aanay wixii sii kala qaybinaya soo gudbinnin, qaybna ka noqonnin isku dirkeeda.
8. Culimadu waxa ay caddeynayaan in ay ka shaqeyn doonaan xallinta khilaafka taagan iyo isu soo dhoweynta xisbiyada iyo xukuumadda, iyaga oo kaashanaya, madaxdhaqameedka, ganacsatada iyo dhammaan waxgaradka kale ee daneynaya in ay hawshan ka qayb qaataan.
9. Waxa aannu culimo ahaan codsanaynnaa mar haddii wixii qorraa lagu heshiin kari waayey in dhexdhexaadintayada la aqbalo, annaga oo khilaafka ku xallin doonna sida sharciga Alle nooga muuqata, maslaxadda guudna danta u ah.
10. Ugu danbeyn waxa aannu Ilaahay ka baryeynnaa in uu abaarta roob iyo barwaaqo inoogu beddelo, cudurrada, sicir bararka iyo khilaafka oo dhan innaga dulqaado, nabadgelyada inoo xoojiyo, isfahanka iyo isu dulqaadashadana ina waafajiyo.

Magacyada Culimada:
1. Sh. Maxamed Cali Geeddi
2. Sh. Cabdiraxmaan Axmed Awcabdi
3. Sh. Maxamed Aadan Muxumed
4. Sh. Cismaan Cali Xuseen
5. Sh. Maxamed Cali Jaamac (Gadhle)
6. Sh. Maxamed Madar
7. Sh. Yaasiin Ibraahim Cabdiraxmaan
8. Sh. Cabdilaahi Makaawi
9. Sh. Maxamed. Cabdiraxmaan (Deeq)
10. Dr. Cabdiqani Xuseen Maxamed
11. Dr. Khadar Xasan Axmed
12. Dr. Cabdirahmaan Ismaaciil (Khayre)
13. Sh. Maxamed Cabdi Carab
14. Sh. Daahir Aadan
15. Sh. Ibraahim Axmed Xirsi
16. Sh. Maxamed Ibraahim Jaamac
17. Sh. Cabdilaahi Maxamuud Aadan
18. Sh. Maxamed Daahir
19. Sh. Yaasiin Macalin Xuseen
20. Sh. Mubaarak Muuse.
21. Sh. Cabdiraxmaan Cumar Cigaal
22. Sh. Cabdiraxmaan Aadan Cige
23. Sh. Maxamed Haybe
24. Sheekh maxamed axmed food

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker