Xamaas oo war ka soo saartay xaaladda Qasa

Basim Naciim,oo ka mid ah madaxda sare ee Xamaas, oo la hadlay BBC-da, ayaa soo dhaweeyay ansixinta qaraarka ay meel mariyeen Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey, kaas oo lagu dalbanayo xabad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Qasa.

Mas’uulkaan ka tirsan Xamaas ayaa sheegay in tillaabadaan ay caddeyn u tahay sida in badan oo bulshada caalamka ka mid ah ay u rabto joojinta dagaalka lagu hayo Falastiiniyiinta.

“Arrintaan waxay caddaynaysaa in dunidu ay rabto oo ay taageerto joojinta rabshadaha” Sababtoo ah waa kuwo ka dhan ah Falastiiniyiinta” ayuu raaciyay hadalkiisa.

Wuxuu sheegay in Mareykanka diimadiisu ay muujineyso sida uu ugu lug leeyahay dambiyada ka dhacaya Qasa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker