Amnesty International oo ku baaqday baadhitaan madax-bannaan sameeyo xadgudubyo ay gaysteen ciidamada Itoobiya
Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ku baaqday in baadhitaan madax-bannaan lagu sameeyo duqeymo ay ciidamada milatariga Itoobiya iyo xoogag hubaysan oo xulafo la ah dowladda ka fuliyeen magaalada Alamata ee gobolka Tigray, kuwaas oo ay sheegtay inay noqon karaan dembiyo dagaal.
Warbixin ay hay’addu soo saartay 23-kii November 2026 ayay ku sheegtay in duqeymaha madaafiicda ee dhacay intii u dhaxaysay 26-kii iyo 28-kii September ay sababeen dhimashada ugu yaraan 14 qof oo rayid ah, halka dad kalena ay ku dhaawacmeen. Amnesty ayaa sheegtay inay si madax-bannaan u xaqiijisay dhimashada dadkaas kaddib markii ay baadhay afar dhacdo oo duqeymo ah.
Hay’addu waxay sheegtay in ciidamada milatariga Itoobiya (ENDF) iyo maleeshiyada Xoogaga Nabada ee Tigray (TPF) ay muddo saddex maalmood ah madaafiic ku garaaceen xaafado dadku ku badan yihiin, iyaga oo aan si ku filan u ilaalin badbaadada dadka rayidka ah. Baadhitaanka ayaa lagu saleeyay waraysiyo lala yeeshay 28 qof, muuqaallo, sawirro iyo xog laga helay dayax-gacmeedyo.
Amnesty International ayaa sidoo kale sheegtay in ciidamada xiriirka la leh Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ay ka samaysteen saldhigyo ciidan xaafado ay dadku deggan yihiin iyo dhismayaal dugsiyeed ka hor intii aanu dagaalku dib uga qarxin gobolka. Hay’addu waxay sheegtay in tallaabadani ay shacabka gelisay khatar, hase yeeshee TPLF ayaa si cad u diidday eedeymaha loo jeediyay, iyaga oo ku tilmaamay kuwo aan sal lahayn, isla markaana ku baaqay baadhitaan madax-bannaan oo dhexdhexaad ah.
Hay’addu waxay intaas ku dartay in joogitaanka dagaalyahannada TPLF ee goobaha rayidku deggan yihiin aanu cudurdaar u noqon karin duqeymo aan kala sooc lahayn oo lagu qaado xaafadaha dadku ku badan yihiin. Waxay sidoo kale sheegtay in aanay weli jawaab rasmi ah ka helin ciidamada milatariga Itoobiya iyo Xoogaga Nabada ee Tigray ay baahisay natiijada baadhitaankeeda.
Amnesty International ayaa ugu baaqday Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay inuu sameeyo hannaan madax-bannaan oo baadha xadgudubyada iyo dembiyada suurtagalka ah ee ka dhacay Itoobiya, isla markaana la xaqiijiyo in cid kasta oo mas’uul ka noqota xadgudubyada ka dhanka ah dadka rayidka ah lala xisaabtamo.
Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa xilli dagaallo cusub ay dib uga qarxeen gobolka Tigray bishii September 2026, kuwaas oo u dhexeeya ciidamada dowladda Itoobiya iyo xulafadooda oo dhinac ah, iyo TPLF iyo xoogag kale oo la safan oo dhinaca kale ah. Dagaalladan ayaa dib u soo nooleeyay xiisadihii colaadeed ee gobolka, kaddib heshiiskii nabadeed ee Pretoria ee sannadkii 2022 lagu soo afjaray dagaalkii weynaa ee Tigray.




