’12 sano jir ayaa laygu guursaday waxana la iga bixiyay 9 doolar’

Waxaa la qiyaasaa in mid kamid ah shanti gabdhoodba caalamka la guursado iyagoo ka yar da’ada 18 sano jir.

Dalalka qaar ee mamnuuca guurka gabdhaha aan qaan gaarin, ayaa mararka qaar waxaa ku adkaata inay dhaqan geliyaan nidaamkaas.

Tamara (oo aan ahayn magaceeda saxda ah) oo ku nool dalka Malawi, ayaa waxaa la guursaday iyadoo 12 sano jir ah, waxayna ka soo jeedday qoys aad u danyar.

Waxay dhiganeysay iskuul, waalidiinteedu way dhinteen, waxayna la nooleyd ayeeydeed oo u guurisay nin aanay weligeed arag, oo ku jira da’ada labaatameeyada, kaas oo ka bixiyay lacag dhan 15,000 oo lacagta Malawi ah oo u dhiganta 9 doolar.

Sanad kadib, iydoo 13 sano jir ah ayaa waxay qaadday uur, waxayna dhashay wiil.

Ninka ayaa markii dambe la sheegay inuu cararay kadib markii uu ogaaday in lagu daba jiro. Guurka gabdhaha aan qaan gaarin ayaa dalka Malawi laga mamnuucay sanadkii 2017kii.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker