Tobaneeyo qof oo ku dhintay daadad iyo dhul go’ oo ka dhacay Tanzania

Si wax looga qabto saameynta roobabka mahiigaanka ah, madaxweyne Samia Suluhu Hassan ayaa soo gaabineysa ka qeyb galka shirka cimilada COP28 ee ka dhacaya magaalada Dubai.

Guryo, kaabayaasha dhaqaalaha iyo dhul-beereed ayaa sidoo kale waxyeelo soo gaartay.

Daadad baaxad leh ayaa ku sii qulqulaya waddamo ku yaalla Bariga Afrika, iyadoo dhacdada El Nino ay qayb ka tahay waxa sababay daadadkan.

Dowladda Tanzania ayaa sheegtay in 400 oo samatabixiyayaal ah loo diray waqooyiga degmada Hanang.

Si kastaba ha ahaatee, samatabbixiyeyaashu waxay ku shaqeynayaan xaalado adag, sida isgaarsiinta cilladaysan iyo jidad go’ay, ama burburay, afhayeenka madaxweynaha, Zuhura Yunus, ayaa ku sheegtay hadal ay soo saaray Isniintii.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker