UNICEF: “Ma jiro qof dareemaya ammaan tobankii daqiiqaba madfac ayaa soo dhacaya”

James Elder, oo ah afhayeenka hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta ee Unicef, ayaa sheegay inuu jiro walaac xooggan oo laga qabo saameynta weerarada ciidamada Israa’iil ku yeelanayaan koonfurta Qasa.

“Runtii waxaa jirtay farriin xooggan oo ah heerarkii ugu sarreeyay kuna saabsan wixii ka dhacay woqooyiga ee argagaxa ahaa ay dadku u sabreen – waa inaan loo oggolaan inay ka dhacaan koonfurta,” ayuu yiri Elder.

Wuxuu ku qiyaasay in duqeymuhu ay dhacaan “10-kii daqiqo oo kastaba”.

Dadka ku nool koonfurta Qasa, khatarta hadda waxaa u dheer daal iyo rafaad: “Markaad ku barakacday saddex ama afar jeer duqeynta [dadku] daalan yihiin, iskuna dayayaan,” ayuu yiri oday ka mid ah dadka barakacayaasha ah.

Dadka ku nool koonfurta Qasa ayaa wajahaya xaalad adag oo waxaa isugu darsamay duqeyn,hooy la’aan iyo xaalado dhanka nolosho ah oo aad u liita.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker