Maraykanka Oo Baadhaya Duqeyn ay ku Dileen Qoyska Tafaftiraha Warbaahinta Dawlada Somaliya.

Taliska Ciidanka Mareykanka ee Qaaradda Afrika ee Loo yaqaano AFRICOM ayaa sheegay inay baadhayaan Duqeyn la sheegay inay ku dileen dad Rayid ah.

Duqeynta oo dhacday 2-dii Bishan February 2020 ayaa waxaa ku dhintey qaar ka mid ah Qoyska Tafaftiraha qeybta Ingiriiska ee Warbaahinta dawlada Soomaaliyeed ee SONNA Maxamed Cismaan Cabdi ayaa sheegay in qoyskaasi duqeynta lala beegsaday uu ku jirey aabihii iyo xubno kale oo qoyskiisa ka mid ah.

 

Taliska Ciidanka Mareykanka ee Qaaradda Afrika ee Loo yaqaano AFRICOM ayaa inay baadhayaan sida u u dhacay Weerarkii duqeynta ahaa     ee 2-bishan ka dhacay duleedka Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Ciidamada Maraykanka ayaa duqeymaha ay ka fuliyaan deegaano ka mid ah dalka Soomaaliya waxaa waxyeelo ay ka soo gaartaa dad rayid ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker