Suuriya oo Israa’iil ku eedeysay inay weerar kusoo qaadday

Wasaaradda gaashaandhigga Suuriya ayaa ku dhawaaqday in Israa’iil ay duqeymo cirka ah aroortii ka fulisay qeybo ka mid ah magaalada caasimadda ah ee Dimishiq.

Wasaaradda ayaa warsaxaafadeed ku tiri: “Ciidamadeenna difaaca cirka ayaa ka jawaabay gantaallada waxayna soo rideen intooda badan … Abbaaro 1:35 a.m. maanta (Sabti).”

Dhanka kale, agaasimaha hay’adda xuquuqda aadanaha Suuriya, Rami Abdel Rahman, ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in ciidamnada cirka ee Israa’iil ay duqeeyeen “bartilmaameedyada Xisbullah” ee deegaanka Sayyida Zeinab, oo koofurta Dimishiq ku yaalla.

Wuxuu intaa raaciyay in gawaarida ambalaasta ay halkaasi kusoo qulquleen kaddib duqeymaha.

Social embed from twitter

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker