Qof ku hor bannaanbaxayay safaaradda Israa’iil oo dab is qabadsiiyay

Qof dibadbaxe ah ayaa ku sugan xaalad khatar ah kaddib markii uu isku hor gubay qunsuliyadda Israa’iil ee gobolka Georgia ee dalka Mareykanka, iyadoo ay arrintaasi booliisku ku tilmaameen “fal dibadbax siyaasadeed oo xagjir ah”.

Booliiska ayaa sheegay in ninkan uu adeegsaday batrool, waxaana goobta laga helay calanka Falastiin.

Weli ma cadda qofkan rag iyo dumar kuu yahay.

Mid ka mid ah ilaalada booliiska oo isku dayay inuu soo farageliyo ayuu dhaawac soo gaaray.

Waxaa soo gaaray gubasho gacanta iyo lugta ah.

Sarkaalkan ilaalada ka tirsan iyo qofka dibadbaxayay ayaa loo qaaday isbitaalka

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker