Isbeddelka siyaasadda Trump ee ku wajahan Soomaaliya
Mid ka mid ah ficilladii uu ku dhaqaaqay Trump markii uu ka tegayay Aqalka Cad sanadkii 2020 wuxuu ahaa in boqollaal ciidamada Mareykanka ah uu ka saaro Soomaaliya. Haddana wuxuu amray weerarradii ugu horreeyay in lagu qaado dalka iyadoo keliya wax ka yar labo toddobaad laga joogo markii uu xafiiska kusoo laabtay.
Trump ayaa mar walba sheega inuusan dooneyn in Mareykanku ku lug yeesho isku dhacyada ka jira dalalka kale, halka Biden uu doonayay inuu hoos u dhigo ku lug lahaanshaha Mareykanka dagaalladii dhacay kadib 9/11.
Balse Washington ayaa hadda Soomaaliya u aragta si ka duwan sidii hore. Mareykanka ayaa si xooggan u maalgashanayay dalka muddo tobnaan sano ah, si uu wax uga qabto caqabadda ka imaanaysa al-Shabaab.
Trump ayaa muddo-xileedkiisii hore amray in weerarro la fuliyo, inkastoo uu ciidamada kala soo baxay saacaddii 11-aad ee madaxtinnimadiisa. Biden ayaa go’aankaas beddelay markii uu xilka qabtay sanadkii 2021 si loo sii wado joogitaanka Mareykanka ee dalka. Ilaa hadda, Trump ayaa weli ciidamada kusii haya Soomaaliya.
Balse waa laga yaabaa inuu go’aan kale la yimaado, keliya maaha mid ku wajahan Soomaaliya balse qaaradda Afrika gebi ahaanteed. Xoghayihiisii hore ee difaaca, Mark Esper, ayaa xusuus-qorkiisa ku sheegay in Trump “uusan wax qiimo leh u arkin” in Ameerikaan – ha noqdaan militari amaba diblomaasiyiin – ay joogaan meel un ka mid ah qaaradda.
Tan waxaaba sii xoojin karta arrinta Soomaaliya halkaasoo al-Shabaab ay u muuqdaan kuwo kusii ballaaranaya, Mareykankuna waxaa laga yaabaa inuu go’aansado inaysan u qalmin inuu sii joogo