Arday lagu eedeeyay dilka macallinkoodii wax ka sheegay Nebiga NNKH oo maxkamad lasoo taagay

Lix carruur Faransiis ah oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dilka macallin wax ka sheegay Nabi Maxamed NNKH ayaa maanta maxkamad la soo taagi doonaa.

Carruurtan ayaa da’doodu u dhexeysay 13 ilaa 15 jir, xilligii macalinka la dilay ayaa ahayd sannadkii 2020-kii.

Eedeysanayaasha ayaa lagu eedeeyay inay soo abaabuleen dilka macallinka , waxaana suurtagal ah in lagu xukumo labo sano iyo bar xarig ah haddii danbiga lagu helo .

Macalinka oo lagu magacaabo Samuel Paty ayaa mindi qoorta laga gooyay 16-kii bishii October 2020 ka dib markii la sheegay in uu tusay ardayda sawir gacmeed uu ku matalay Nebi Muxamed NNKH xili uu ku guda jiray xiisad ku saabsan xoriyadda hadalka.

Dacwad oogayaasha ayaa rumeysan in muuqaallkaas uu ku kallifay ardyda in ay dilka gaystaan.

Maxkamad labaad ee dadka lagu eedaynayo in ay gacan ku lahyeen dilka macallinka oo qaangar ah ayaa furmi doonta sanadkan waxaan ku jira aabbaha mid ka mid ah carruurta hadda maxkamadda la soo taagay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker