Warbaahinta Falastiin oo sheegtay in ugu yaraan toddobo qof ay ku dhaawacmeen iyagoo isku dayaya inay guryahooda ku laabtaan

Wakaalladda Wararka Falastiin ee Wafa ayaa ku warameysa in ugu yaraan toddobo qof ay ku dhaawacmeen kadib markii la toogtay xili ay isku dayeen inay u gudbaan waqooyiga Qaza.

Goob joogayaal ku sugan deegaanka Wadi Gaza ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay beegsadeen dad isku dayayay in ay guryahooda ku laabtaan, sida ay sheegtay Wafa.

Israa’iil ayaa horay u sheegtay in aysan dadka u ogolaan doonin in ay dib ugu laabtaan waqooyiga Qaza inta lagu guda jiro hakadka dagaalka,maadaama ay sheegtay in aaggu wali yahay goob dagaal.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay inay eegayaan wararkaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker