Hogaamiyaha Xamaas oo heshiis kula jira Israa’iil

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa sheegay inuu heer gabo gabo ah marayo heshiis ay yeelanayaan Xamaas iyo Israa’iil.

Saacadihii la soo dhaafay, wararku waxay sheegayeen in mas’uuliyiinta Xamaas ay heshiis la galayaan Israa’iil, kaas oo ku saabsan in la soo siidaayo dadkii ay Xamaas ka qafaalatay Israa’iil.

Wadaxaajoodka labada dhinac ayaa ka soconayay dalka Qadar, oo heshiiskan dhex dhexaadinayay.

Hogaamiyaha Xamas, Ismail Haniyeh, ayaa sheegay in kooxdiisa ‘ay u soo jawaabeen walaalahooda Qadar isla markaana ay ku dhowyihiin heshiis lagu joojinayo dagaalka’ sida laga soo xigtay warbaahinta Falastiin.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhaka Israa’iil.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker