Dal Afrika ka tirsan oo albaabada isugu dhufanayo safaaradda Israa’iil ku leedahay dalkaas

Israa’iil ayaa u yeeratay safiirkeeda u fadhiya dalka Koonfur Africa ka hor cod uu baarlamaanka dalkaasi maata u qaadayo in diblumaasigaas laga mamnuucayo dalkaas iyo in kale.

Madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Rmaphosa ayaa lagu wadaa inuu manta kulan fogaan arag ah la yeesho waddamada xubnaha ka ah BRICS, si ay ugu wada hadlaan colaadda ka socota Bariga Dhexe gaar ahaanna Xamaas iyo Israa’iil.

Shaacinta Israa’iil ee ah in safiirkeeda u fadhiya Koonfur Afrika loogu yeeray wadahadal, ayaa ku soo aadaya xili lagu wado in baarlamaanka dalka Koonfur Afrika uu u codeeyo in albaabada la isugu dhufanayo safaaradda Israa’iil ay ku leedahay Koonfur Afrika iyo in kale isla markaana ay jsoo af-jaraan xirriirka labada dal.

Israa’iil ayaa waxay sheegtay in tallaabada ay qaadday ay daba socoto ‘bayaan dhawaan ka soo baxay Koonfur Afrika’.

South Africa, oo si adag uga soo hor jeedda ficilada Israa’iil ee ka dhanka ah Qasa, ayaa u yeeratay diblumaasiyiinta ka jooga Israa’iil iyadoo kiis ka dhan ah Israa’iilna u gudbisay maxkamadda dambiyada caalamiga oo ay ku eedeysay inay geysatay dembiyo dagaal.

Gelinka dambe ee manta, madaxweynaha Koonfur afrika, Cyril Ramaphosa, ayaa shir gudoomin doona kulan uu la yeelanayo waddamada xubnaha ka ah BRICS, oo ay ku jiraan Shiinaha iyo Ruushka, kulankaas oo looga hadli doono dagaalka Xamaas iyo Israa’iil.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker