Ururrada bulshada rayidka oo walaac ka muujiyay khilaafka ka taagan doorashada Puntland

Saraakiisha ururrada bulshada rayidka ee Puntland oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa si kulul uga soo horjeestay colaad laga rido Puntland. Waxay sheegeen in taasi ay tahay khad cas oo lama taabtaan ah.

Waxay eedeyn kulul u jeediyeen dhinacayadda siyaasadda oo ay sheegeen in markii horeba bulshada aanay wax weyn ku soo kordhin.

“Ma dooneyno in aan mar kale goobjoog u noqono wixii ka dhacay Boosaaso 2021 kii, wixii ka dhacay Garoowe 2023, ficiladaas oo aan lagula xisaabtamin dad kii gaystay. Qoysas dhan ayaa ubad koodii, kuwii ay jeclaayeen lixaadkoodii iyo maalkoodii ku waayay. Dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ayay wiiftadu ku dishay goobahooda ganacsi 2019-kii, waxa nasiib darro ah inta badan ehellada dadkaas aan lala qaybsan dhibta ku dhacday, loogana garaabin wixii gaaray” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdirisaaq Cabdiraxmaan oo ah gudoomiyaha daladda ururrada bulshada rayidka ee Puntland.

Waxay dhinacyada isku haya Puntland u jeediyeen in ay u turaan dadka rayidka ah ee awalba la daalaa dhacayay dhibaatooyinka kala duwan, waxayna ugu baaqeen wadahadal lagu xaliyo muranka taagan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker