Waxbarashadda loo Socdo (Q2aad)

Ardey badani waxa ay xassuusan karaan iyada oo Xafiisyada Dugsiyadii ay wax ku soo Dhigteen aannuba ooli Jirin Wax kumbuyter ahi,Waxey tobonaan sanno ka hor dib xassuusta uga baadhi karaan,Maalintii la soo Dhigey amma xafiiska dugsiga qalabka Kumbuyutertka ah loo rakibey.kuwo badani Waxey wax soo barteen,kana baxeen Dugsiyada iyada oo aan xafiiska iskuulkooda Kumbuyuterba oolin.Dufcado kale Ayaa dhankooda iyaguna soo arkey,kana markhaati ahaa maalinkii ugu horreysey ee xafiiska dugsigooda/machadkooda loo rakibayey kumbuyuterka xafiiska,Waxey u aheyd farxadd in ay xafiiska dugsiga ku arkaan Kumbuyuter Marka uu is bakhtiinaayo ama soo kacaayaba Cod iyo jabaq bixinaaya,waxase isla dufacadahaasi qirayaan in dugsiyo badan la keenay iyada oo dadka garanayaa ay yaraayeen,dad loo tababareyna ayna jirin.isla markaasina aan aqoon loo laheyn sida uu guud ahaan u taageeri doono nidaamka socda.Kumbuyuterkaasi xafiiska la soo dhigey ayaa haddaba  horseed u ahaa bilowga casri cusub oo waxbarasho.Halka aynu maanta ka mareyno u adeegsiga Tiknolojiyada dhanka waxbarashadu waa mid ku soo billaabmey taariikhdaasi aynu kor ku sheegney, waxey aheyd wakhti hargeisa idilkeed hal meel lagu sheegi jirey in Kumbuyuteradu yaallin ama lagu barto.Qof garanaaya sida Warqada looga daabaco kumbuyuterka ayaa la raadin jirey,qof garanaaya sida  loogu diro warqadd ama loogala soo dego fariin la soo direy ayaa halkiisa lagu booqan jirey.

 

Dugsiyada Dawladda iyo Kuwa gaarka loo leeyahay wey ku kala duwan yihiin,isticmaalka iyo helida agabka tiknolojiyada.dugsiyo badan oo waxbarasho weli fasalka dhexdiisu waa sidii ay 20 sanno ka hor ahaayeen,kuraasti saddexda loogu fadhisan jirey ayaa dhextaala,kuraastaasi sidii dhaqamiga aheyd ayey u safan yihiin,lambad yar ayaa baxeysa,samuurada oo ah ta wax lagu qorayaana wejahada fasalka ayey ka soo muuqataa.Ardey kalena waxa ay wax ku dhigtaan fasal tiknolojiyada la jaan-qaadaya.Waxbarashadda iyo Tiknolojiyada Waa deegaankooda ay mar walba joogaan,Maal-gelinta Tiknolojiyada ee Dugsigooda sida rakibida qalabada guud ahaan waxbarashaddu u bahan tahay ayaa lagu guuleystey,Maal-gelin dhanka helida iyo rakibida qalabada tiknolojiyada ayaa dugsiyadoodu maal–geliyeen.Ardey kasta in u helo kumbuyuter ama helo mid Laabka yaalla ayaa laga fekirayaa,gacan kastaa waxa ay u baahan tahay mid u gaar ah si ay ugala socoto casharada ku baxaya maqalka iyo muuqaalka.maal-gelinta dugsiyada iyo jaamacadduhu ku sameeyeen dhanka  adeegsiga tiknoolojiyada si waxbarashaddu u noqoto mid sahlan,aan lagu dhibaatoon,soo jiidasho leh,xaaladaha fasalka dhexdiisa loo hagaajiyo,koronto helida,helida khadka isgaadhsiinta internetka,muuq baahiyaha (projectorska),sameecadaha maqalka,waa wax lagu kala duwan yahay,waana wax dugsiyo badan kaga horumareen ku dhigooda ah.

in waxbarashadda la dhex mariyo Qalabada tiknoolojiyadu maaha mid u fudud  sida qof bas u raacaya suuqa hoose oo kale.waa mid u culus sida buuraha. waa qorshe la doonaayo in guud ahaan bahda waxbarashada iyo Khubarada cilmiga tiknoolojiyadu ay si isku mid ah u wada jaan qadaan,ugana  hawl-galaan sidii labadaasi isku qaadan lahaayeen,Waxbarashada tiknolojiyada dhex mareysaa waa  mid wakhti badan soo martey,xilliyo kala duwana soo dhaaftey,iyada oo maanta leh wejiyo badan oo lagu heli karo laguna gudbin karo casharada iyo aqoontaba.dhanka qiimaha helitaankeedu waa mid sahal ah oo jaban,iyada oo dhanka kalena weli caqabad ku ah dadka dabaqada hoose ama aan heli karin,halka ay malayiin qof u tahay wehelkooda iyo saaxiibkooda keliya.

 

 

 La Soco Qeybta dambe……………

Abdifataah M.Ahmed

Ceelaabe_10@hotmail.com

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker